Maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa jidka u gashay Baabuur uu la socday guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, waxaana wafdiga oo baxay magaalada Beledweyne ay kusii jeedeen degmada Maxaas, si ay waanwaan uga galaan laba beelood oo halkaasi ku dagaalamaya.
Wararka ayaa sheegay inuu dagaal dhex maray ilaalada gudoomiyaha Gobolka Hiiraan la socotay iyo dagaalyahano ka tirsan Shabaab ee weerarka dhabba-galka ah, iyadoo ay qasaare ka dhashay dagaalkaasi.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in ciidamadala socday guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ay iska caabiyeen weerarkii Alshabaab, iyadoo socodkooda sii watay.