Sunday, June 22, 2025

Alshabaab oo Weerar ku galay Xarunta Gobolka Banaadir iyo Dagaal ka socda

Weerar xoog leh ayaa goor dhow Duhurnimadii maanta lagu qaaday xarunta maamulka Gobolka Banaadir, waxaana gudaha u galay koox ka tirsan Alshabaab, iyadoo uu hadda dagaal ka dhex socdo.

Weerarka oo ku bilowday Qaraxyo xoog leh ayey Alshabaab u qaadeen Xarunt Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo midka mida qaraxyada lagu dhuftay dhinaca danbe ee xaruntaasi oo ku dhow Suuqa Xamarweyne oo lagu kala cararay.

Rasaas culus ayaa ka socota gudaha xarunta maamulka Gobolka Banaadir oo sidoo kale laga maqlayo qaraxyo, waxaana xaaladda ay tahay mid cakiran, iyadoo dabley ka mida Alshabaab lasoo weriyay inay gudaha u galeen xaruntaasi oo si weyn loo ilaaliyo.

Ad

Shaqaale badan iyo mas’uuliyiin ayaa laga soo babdaadiyey xarunta Gobolka Banaadir, waxaana la maqlayaa rasaas xoog leh, iyadoo ciidamo badan ay go’doomiyeen xarunta. Waxaa dhinaca kale socda gurmadka dadka ku waxyeeloobay.

Weerarka ayaa dhaliyey xaalad cakiran, waxaana wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay xarunta Gobolka gaareen ciidamada gaarka ah ee NISA iyo kuw Haramcad, waxaan weerarka sheegtay Alshabaab.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON