Monday, July 14, 2025

Alshabaab oo Weerar ku qaaday aag laga difaaco Magaalada Baydhaba iyo Qasaare ka dhashay

Alshabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan aagga laga difaaco xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka K/Galbeed.

Dagaalkan ayaa qarxay, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimaha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa K/Galbeed ku leeyihiin deegaanka Burjeed oo u dhexeeyo magaalada Baydhaba iyo deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay saaka waaberigii hore  ka hortageen weerarka Alshabaab, ayna jab xoog leh ku gaarsiiyeen dagaalka duleedka magaalada Baydhabo ka dhacay.

Saraakiisha K/Galbeed ayaa sheegay in Maydadka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay daadsan yihiin degaankaa  Burjeed, dib loo celiyay weerarkii ay soo qaadeen, balse Alshabaab ayaa dhinacooda sheegatay inay 8 askari ku dileen laba xero oo ciidamada maamulka labaxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin degaanka Bari-ujeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Baay oo ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON