Wararka laga helayo Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Al Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Markab taagan qaaday meel u dhow xeebta degmada Baraawe.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in ilaa saddex madfac ay Alshabaabka ku rideen Markab taagan xeebta Baraawe oo la sheegay inuu raashin iyo sahay milateri u sido ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Baraawe.
Warar kale ayaa sheegay in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay madaafiicda ka rideen buuro ku dhow degmada Baraawe, iyadoo markaas kadib ay ciidamada AMISOM ay madaafiic ugu jawaabeen.
AMISOM iyo ciidamada dowldda ayaan weli ka hadlin weerarka, waxayna maamulka degmada Baraawe uu sheegay in ay baxsadeen koox Alshabaab ah oo ka danbeeyay weerarka, madaafiicdaasina ay ku dhaceen Badda oo aanay wax qasaare ah geysteen.