Alshabaab ayaa sheegatay dilka sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu khaarijiyey weerar nooc cusub ah oo ka dhacay degmo ka tirsan gobolka Banaadir.
Alshabaab ayaa sheegay inay maleeshiyo ka tirsan ay weerar ku qaadeen habeenimadii xalay Guri ku yaalla degmada Kaaraan, ayna ku dileen Col. Cusmaan Shariif Xasan oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada dowladda.
War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu yiri: “Howlgal ay ciidamada ka fuliyeen degmada Kaaraan ayay ku dileen Col. Cusmaan Shariif oo ka tirsanaa saraakiisha ciidamada dowladda”.
Weerarkan ayaa ahaa mid ay maleeshiyada Alshabaab gurigiisa ugu dhaceen, kuna dileen sarkaalka, taasoo ah howlgal ku cusub caasimadda oo ay ka fuliyaan dilal qorsheysan iyo qaraxyo.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga oo sidoo kale aan ka hadlin weerar qorsheysnaa oo Alshabaab ku dishay Korneyl Mahad Doollar oo ka tirsanaa ciidamada Booliska.
