War kooban oo caawa kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu caddeeyay mowqifkeeda ku saabsan muddo kordhina Aqalka hoose ee Baarlamaanka u sameeyay hay’adaha dowladda ee waqtigoodu dhammaaday.
Qoraalka Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri: “Dowlada Jubaland waxay cadaynaysaa wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday inaysan wax sharci ah ku dhisnayn”
Warka kooban e kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu cadeeyay in arrinta muddo kororsiga ay dib u celinayso hannaanka geeddi socodka dib u dhiska dowladnimada dalka”.
Dhinaca kale Afhayeenka madaxtooyada Puntland ayaa sheegay inay ka xun tahay Puntland waxa maanta ka dhacay Aqalka hoose ee Baarlamaanka, go’aanka ku saabsan muddo kordhinta uu goor dhow soo bixi doono.
