Dabley ka tirsan kooxda Alshabab ayaa weerar ku qaaday xarun ay ciidamada aamniga Muqdisho ak sameysteen xaafadda Xamar-jadiid ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu qaadya ciidamo ka tirsan dowlada oo fariisin cusub ka sameystay xaafada Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigley, ciidamadaas oo ahaa kuwii laga raray Jidka Wadnaha.
Rasaas iyo qaraxyo muddo kooban socday kadiba ayaa la sheegay inay baxsadeen dableydii Alshabaab ee weerarka soo qaaday, waxaana la xaqiijiyay inuu weerarkaasi ku geeriyood askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo qof kale oo shacab ah.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada ay weerarka ka dib howlgallo ka sameeyeen xaafadda Xamarjadiid, iyadoo lagu qabqabtay dhalinyaro dhowr ah.