Sunday, July 13, 2025

Alshabab oo Degaan u dhow magaalada Muqdisho ku gubtay Gaadiid Dhuxul siday & dad lagu dilay..

Maleeshiyada Alshabaab ayaa markii saddexaad 10 beri gudahood dab qabadsiiyey Gawaari Dhuxul siday oo ka yimid Gobolka Sh/Hoose.

Weerarkii ugu danbeeyay ayaa ka dhacay maanta Degaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho, markii maleeshiyada Alsahhab ay weerar ku qaadeen laba gaari oo Dhuxul siday, kuwaasoo ay Ciidamada dowladda maanta ay ka soo galbiyeen degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka Alshabab oo ahaa mid aan la fileyn ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay saddex qof oo la socday labada gaari ee Dhuxusha siday waxaana ka mid ahaa Darawalka mid ka mida gawaarida.

Alsahbaab ayaa hadda muddo laba toddobaad ah degaanada u dhow Afgooye iyo Muqidsho ku ku hubay 13 gaari oo Dhuxul xamuul siday, waxaana ciidamada dowladda ku sugan degmada Afgooye iyo Koontroolka Muqdisho ay ku kooban yihiin xarumaha ay joogaan.

Alshabaab ayaa la sheegay inay amarro kasoo saartay jarista Dhuxusha, waxayna bilowday inay gubto baabuurta lagu qabto iyagoo Dhuxul sida.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON