Thursday, March 28, 2024

Alshabab oo Fagaare ku toogatay Afar nin oo lagu eedeeyay basaasnimo [Magacyada]

Maleeshiyada Alshabaab ayaa dil toogasho ah ku fulisay goob fagaare ah oo ku taalla degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo hakaasilagu toogtay afar nin oo lagu eedeeyay Basaasnimo.

Maxkamad ay leeyihiin Alshabaab ayaa xukunka dilka ah ku riday 4-ta Nin oo lagu eedeeyay inay u shaqeynayeen sirdoonka dowladda federaalka, UK iyo Jabuuti, iyadoo la sheegay inay qirteen dembyadooda.

    Ragga la toogtay waxay kala yihiin:

Ad

1- Aweys ismaaciil Aadan oo 25 sano jir ah oo lagu eedeeyay inuu u shaqenayay dowladda federaalka.

2- Cilmi Warsame Cumar oo 22 sano jir ahaa oo lagu eedeeyay inuu u shaqeynayey Hay’ada laga leeyahay UK.

3- Cumar Cabdullaahi Cabdi oo 28 sano jir ahaa, laguna eedeeyay inuu la shaqeynayay ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraand.

- Advertisement -

4-Maxamuud Abuukar Xaaji oo 25 sano jir ah, lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka dowladda Federaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON