Tuesday, June 24, 2025

Alshabab oo shaacisay halka uu ku socday Qarixii maanta & Booliska oo sheegay in laga hortegay

Taliska Ciidamada Booliska Somalia ayaa sheegay inay ka hortageen Qarax Gaari isku dayey inuu xoog ku maro barta koontaroolka KM4 oo laga ilaaliyo Garoonka Muqdisho.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiya Xuseen ayaa sheegay in ciidamada ka hortageen qaraxaasi. “Abbaarihii 10:40 subaxnimo ayee Ciidanka amniga ka hortageen baabuur noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonaayay inuu xoog ku maro checkpoint yaala KM4 halkaas oo uu ku qarxay. Waxaa qaraxaas ku dhintay askar iyo dad shacab ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen..” ayey tiri Gen.Zakiya”.

Dhinaca kale Alshabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, iyadoo war kasoo baxay lagu sheegay in Weerarka uu bartilmaameedkiisu ahaa koontaroolka oo ay degan yihiin ciidamada dowladda, lagana ilaaliyo xarumaha hay’adaha shisheeye ee ku yaalla aagga garoonka.

Qasaaraha uu geystay qaraxa ayaa ilaa hadda gaaraya 10 qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca 20 kale, iyadoo burbur iyo qasaare xoog leh uu gaaray dhismooyinka ku dhow halka qaraxu ka dhacay.

Image may contain: one or more people, car and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON