Alshabab oo shaacisay in Qaar ka mida Dableydii fulisay weerarka Muqdisho ay dib u laabteen, iyagoo..

Alshabaab ayaa sheegtay in qaar ka mida dableydii fulisay weerarkii xalay ilaa maanta socday ee ka dhacay Hoteelada Maka Almukarama, Hilaac UK iyo dhismooyinka ku yaalla Wadadda Maka Almukarama ay dib u laabteen iyagoo bed qaba.

Afhayeenak howlgallada Alshabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa u sheegay warbaahintooda in afar dabley ah looga dilay weerarka, balse qaar kale oo aanu tiradooda sheegin ay ka dib u laabteen iyagoo bed qaba.

Ad

“Hawlagalkeenii gaarka ahaa ee ka socday magaalada Muqdisho si guul ah ayuu kusoo dhammaaday, waxaa lagu beegsaday hoteel ay ku badan yihiin xubnaha ka tirsan hay’adaha kala duwan ‘dowladda federaalka’… Tobanaan kamid ah ayaa halkaas lagu dilay, kuwo kalena waa lagu dhaawacay. ” ayuu yiri Cabdi Casiis Abuu Muscab.

Wuxuu sheegay Afhayeenka Al-Shabaab ayaa in raggii weerarka ka qayb qaatay Afar ka mida goobta lagu dilay, halka qaar kalena iyagoo badqaba ay soo laabteen, sida uu yiri.

Alshabaab ayaa dacaayad ahaan u adeegsata warbaahinta, iyadoo aanay soo bandhigin caddeyn ku saabsan tirada dableyda weerarka qaaday, inta la dilay iyo inta dib u laabatay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

129,356FansLike
1,243FollowersFollow
3,414FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!