Alshabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo is-miidaamiyiihii Qaraxa ku furay weerarkii ay Alshabaab ku qaaday Saldhigga Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.
Dardaaran ay Alshabaab ka duubaan Is-miidaamiyeyaasha ayuu ninkaasi ku sheegay in lagu magacaabo Cali Cumar Ibraahim, isagoo ahaa Nin dhalinyarro ah oo 23 sano jir ah, kana soo jeeda Beesha Baadi-Cadde, gaar ahaan Jufada Afgaab.
Ninkan ayaa Alshabaab ku biiray sanadkii 2012-ka, markaas oo 13 jir uu ahaa, wuxuuna dhashay sanadkii 1999-kii, isagoo ka qeyb qaatay dagaallo badan oo Alshabaab gashay.
Weerarkii Alshabaab ee Saldhigga Kaxda ayaa dhaliyey qasaare kala duwan, waxayna Alshabaab ku qaateen laba ka mida gaadiidka Booliska saldhiggaasi oo ay soo bandhigeen.