Alshabaab ayaa soo bandhigtay qeybtii koowaad ee Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaalida ee ku sugan Hirshabeelle, kuwaasoo ka faa’iideystay cafiskii Alshabaab ay ku sheegtay inay ka towbad keenaan arrimaha ay ku jiraan, una qabatay muddo 45 casho ah.
Odayaashan oo ah kuwii soo xulay Xildhibaannada Baarlamaanka Dowladda Federaalka ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Al Shabaab, iyagoo ka socday maamullada Hirshabelle iyo Galmudug, waxaana la isugu geeyay degaanka Buq Aqabla, waxayna gaareen 86 oday oo 53 ka mida kasoo jeedaan Hirshabelle, halka 33 oday ay ka soo jeedeen Galmudug.
Waxaa halkaasi kula hadlay xubno uu ka mid yahay Sheekh Yuusuf Kaba-ku-tukade oo Alshabaab u qaabilsan Gobolka Sh/dhexe, iyo Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan oo isna u qaabilsan Gobolka Mudug, iyagoo u sheegay odayaasha in Al Shabaab ay cafis u fidisay Odayaasha towbad keenay ee lagusoo bandhigay degmada Buq Aqable.
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)