Sunday, July 13, 2025

Alshabab oo War kasoo saartay Qaraxii lala beegsaday Gaariga Taliyaha Booliska Gaalkacyo..

Alshabaab ayaa war ay caawa soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxii galabta lala beegsaday Taliyihii Saldhiga Booliska Koonfurta Gaalkacyo Cawil Nuur Rooble.

Qaraxa oo ahaa nooca gaadiidka lagu xiro ayaa lagu rakibay Gaari nooca NOAH ah oo uu watay taliyaha, waxaana soo gaaray dhaawac culus, waxaana warka kasoo baxay Xarakada Alshabaab lagu sheegay inay ka dambeysay mas’uuliyadda qaraxa lala beegsaday Cawil Tubaako, sida lagu yiri qoraalka Alshabab.

Wararkii ugu danbeeyay ee taliyaha gaarigiisa lagu qarxiyey ayaa sheegaya in xaaladiisa ay liidato, iyadoo lagula tacaalayo xaaladiisa Isbitaalka magaalada Gaalkacyo. Wararkii ugu dnbeeyay ayaa sheegaya inuu geeriyooday taliye Cawil Nuur.

Alshabaab ayaa weerarro gaadmo ah, qaraxyo iyo falal kale ka fuilisay magaalada Gaalkacyo oo ah magaalada ugu badan Galmudug ee Alshabaab falalkan ka fuliyaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON