Wednesday, June 25, 2025

Amar ay Alshabaab kusoo rogeen Xarumaha Ganacsiga oo Muqdisho ka hirgalay (Daawo)

Waxaa magaalada Muqdisho ka hirgalay amar ay Alshabaab ku soo rogtay xarumaha Ganacsiga waaweyn ee magaalada Muqdisho, kaasoo in muddo ah soo socday, balse ugu dambey si guud loo wada qaatay.

Amarkan ayaa ahaa in xarumaha Ganacsiga laga furo kaamerooyinka CCTV ee ku jeeda wadooyinka caasimadda, siiba Wadadda muhiimka ah ee Maka Almukarama oo inta baxan qaraxyadu ka dhacaan, waxaana la xaqiijiyey in xarumaha Bankiyada, Hoteelada iyo Carwooyinka iyo ganacsiyada waaweyn ay u hoggaansameen amarka Alshabaab.

Kaamerooyinkan CCTV ee ku dhegan xarumaha Ganacsiga, siiba kuwa wadooyinka ku jeeda ayaa sabab u noqday in la daba galo gawaari ku qaraxday wadooyinkaasi, iyadoo lagu soo qabtay dadkii ka dambeeyay qaarkood oo maxkamad lasoo taagay, waxayna Alshabaab u aragtay inay halis ku yihiin kaamerooyinkaasi.

Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia ayaa wax bedel ah ku sameyn kaamerooyinka laga furay wadooyinka, mana jirto tallaabooyin kale oo ay u qaadeen arrintan.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA UNIVERSAL TV

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON