Tuesday, May 18, 2021

Amar kasoo baxay Taliyaha Ciidamada Booliska oo loogu sheegay Shaqooyinka ay qaban karaan

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa soo saaray amar ku socda ciidamada Booliska.

Amarkan ayaa ciidamada Booliska lagu faray dhammaantood inay ku ekaadaan shaqadooda oo ah amniga muwaadiniinta iyo hantidooda, si fiicanna ay ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa soo baxday, iyadoo weli mugdi ka jiro cidda ay hoos tagaan hoggaannada ciidamada, kadib markii Ra’isal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta lagu wareejiyey maamulka doorashada iyo Amniga.

Ad

Ciidamada Booliska ee gaarka u tababarran loona yaqaan ‘Haramcad’ ayaa soo hoos gelaya ciidamada Booliska, iyadoo ciidamadaasi ay toos uga amar qaataan madaxtooyada, ayna fuliyaan howlgallo aanu boolisku shaqo ku lahayn.

- Advertisement -
- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

158,310FansLike
2,430FollowersFollow
5,841FollowersFollow
158,310FansLike
2,430FollowersFollow
5,842FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!