Wednesday, June 25, 2025

Amiirka Qatar oo ku dhawaaqay taageero dhaqaale oo lagu kabayo Miisaaniyadda Dowladda Somaliya [Akhriso]

Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday taageero dhaqaale oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda Soomaaliya, kadib wadahadal magaalada Doha ku dhex maray madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka dalka Qatar.

Kulanka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Amiirka Qatar Tamiim Bin Hamad Althani ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, waxayna wakaalada wararka ee Qatar shaacisay in Amiirka Qatar uu amar ku bixiyey in miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadkan 2019 lagu kaalmeeyo lacag dhan 73 Milyan oo Riyaalka dalka Qatar ah, taasoo u dhiganta lacag in yar ka badan 20 Milyan oo Doolar.

Deeqda dowladda Qatar ayaa kusoo beegmeysa xilli ay dowladda Somalia heysato dhaqaale yari keentay in la bixin waayo mushaarka qaar ka mida ciidamada, isla markaana ay madaxda dowladda Somalia u baahan yihiin lacag ay ku furdaamiyaan maamul Goboleedyada la filayo inay heshiis la gaaraan maalmaha soo socda.

Waa deeqdii ugu horeysay ee dowladda Qatar ay ku kabto miisaaniyadda dowladda Somaliya iyo dhaqaale hore loo siin jiray madaxda dowladda Somalia aan la shaacin, lana filayo in loo adeegsaday arrimo siyaasadeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON