Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo si yaab leh uga hadlay xayiraadii lagu sameeyay taageerayaashiisa magaalada Kismaayo

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Jubbaland ayaa si la yaab leh uga hadlay is hortaag iyo tacadi lagu sameeyay taageerayashiisa oo loo diiday inay kusoo dhoweeyaan Garoonka magaalada Kismaayo.

Xiddig ayaa sheegay inuu isagoo lug ka baxay garoonka Kismaayo ilaa uu ka galo gudaha magaalada, taasoo uu sheegay inay sabab u tahhy hab dhaqankii lagu sameeyay dadkii saaka isu diyaariyay iney soo dhoweeyaan ee muujiyey taageerada musharaxnimadiisa.

“Mahad gaar ah Waxaan u celinayaa Shacabka reer Jubaland ee maanta u diyaar garoobay soo dhaweyntayda balse laga hor istaagay waxaan markale ugu baaqayaa inay is dejiyaan una hogaansamaan heyadaha Amniga, Waan hubaa inay tahay maalin taariikhi ah oo shacab Caleemo Qoyan wata laga hor istaago soo dhaweynta Murashaxooda Madaxweynaha Jubaland 2019” ayuu yiri xildhibaan Xiddig oo dhinaca kale ciidamada amniga ku amaanay inay fuliyeen amarkii la siiyey sida u yiri.

Ad

Wuxuu sheegay in wixii maanta ka dhacay garoonka magaalada Kismaayo uu gaarsiiyey Maamulka Jubaland, dowladda federaalka, Urur Goboleedka IGAD, AMISOM Sector 2 iyo beesha Caalamka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

122,865FansLike
828FollowersFollow
3,050FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!