Tuesday, April 16, 2024

Amiirro bannaanbax dhigay oo lagu xiray dalka Sacuudiga & Warar is-khilaafsan oo kasoo baxay

Dowladda Sucuudiga ayaa xaqiijisay in xabsiga la dhigay 11 amiir oo aan magacyadooda la shaacin, waxaana warar is khilaafsn kasoo baxeen sababaha loo xiray.

Xeer ilaaliyaha Sacuudiga ayaa sheegay in loo xiray amiiradan iyadoo ka bannaanbaxay iyagoo lagu dalacay kharashaadka ay ku isticmaaleen biyaha iyo korontada taas oo qeyb ka ah barnaamijka gunti-iskugiijiska ah ee dhaxalsugaha dalkaasi uu soo rogay.

Qorshahan waxaa soo hindisay dhaxal sugaha da’da yare ee leh hammiga dheer ee Maxamed Bin Salmaan. Waxa ay dalbadeen in magdhaw laga siiyo wiil ay ilma adeer yihiin oo la dilay laba sanno ka hor. Markii ay diideen inay qasriga madaxtooyada ka baxaanna waa la xiray oo hadda waxay sugayeen maxkamad.

Ad

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Sacuudiga ayaa sheegay in qof walba ay tahay in lala xisaabtamo iyadoon la eegayn xilka uu hayo. In lagu xiray xabsi si weyn loo ilaalinayo ayaa waxay wax badan ka duwan tahay habka loola dhaqmay ku dhawaad laba boqol oo amiir,

Dhinaca kale dadweynaha Sacuudiga ayaa sheegay in amiiradan loo xiray iyagoo dalabanayay in la sii daayo ehelkooda xubno ka mida ayna ku jiraan aabeyashood oo u xiran muddo laba bilood ka baxay arrimaha musuqa iyo ololaha uu wado dhaxalsugaha Sacuudiga.

Saraakiil sarsare oo Dowladda ka tirsan iyo ganacsato ayaa bishii Novembar ee la soo dhaafay lagu xiray hotel lagu raaxaysto. Arrintaas oo qeyb ka ah waxa loo soo bandhigay inay tahay olole ka dhan ah musuqmaasuqa

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON