Sunday, July 13, 2025

AMISOM oo Guddoomiye Jawaari iyo Ciidamadiisa ka saartay Xarunta Baarlamaanka, lana wareegtay Amnigii Xarunta

Taliyaha ciidamada AMISOM iyo ciidamo uu wato ayaa goor dhoweyd gaaray xarunta Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo  ka saaray ciidamadii taabacsanaa Guddoomiye Jawaari iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cawad.

Taliyaha AMISOM Gen. Paul Lokech,oo xalay la kulmay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kula ballamay inaan wax ciidamo ah lala gelin gudaha xarunta Baarlamaanka, waxaana dhacday xaalad ka duwan iyadoo taliyeyaasha ciidamada dalka ay shaaciyeen in ciidamo aan la aqoon ay Guddoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa la galeen xarunta Baarlamaanka.

Taliyaha AMISOM oo kulan la qaatay Guddoomiye Jawaari iyo Mahad Cawad ayaa kala hadlay xaaladda Amniga Baarlamaanka oo AMISOM u xil saaran tahay, isla markaana aan loo ogoleyn wax ciidamo ah.

Wararka ayaa sheegaya in AMISOM ay la wareegtay mas’uuliyada Amniga Golaha Shacabka inta xal laga gaarayo xaaladda ka dhalatay falkii maanta ka dhacay xaruntaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON