Thursday, June 26, 2025

AMISOM oo Sharraxaad ka bixisay dhacdadii Garoonka Muqdisho lagu xayiray Guddoomiyaha Aqalka Sare [Sawirro]

Waxaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho madaxda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, kadib shilkii ka dhacay Garoonka Muqdisho oo ciidamada AMISOM ay ku xayireen Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa wadahadal la yeeshay guddoonka Aqalka sare oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayna ku wehliyeen labda guddoomiye ku xigeen iyo xubno kale iyadoo si hoose looga hadlay xiriirka labada dhinac, nidaamka AMISOM u yaalla iyadoo ay AMISOM faahfaahin ka bixiyey dhacdadii Garoonka diyaaradaha Muqdisho dhacday 19-kii June 2018.

“Waxaan ka wadahadalnay arrimo quseeya amniga iyo Protocol-ka, hadda si isku mid ayaan wax u wada aragnaa, waxaan ku faraxsanahay in lagu qancay sharraxaadii aan bixinay, wixii hadda ka dambeeya waxaan u wada shaqeyn doonnaa si dhow..” ayuu yiri Ambassador Madeira.

Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa uga mahadceliyey AMISOM dadaalka nabadda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in kaalinta ay uga jiraan nabadeynta Soomaaliya, ayna ku faraxsan yihiin kulanka dhex maray madaxda AMISOM, sida ay shaacisay warbaahinta AMISOM.

Ma jirin raaligelin ay bixisay AMISOM, waxayna arrinta ku soo koobantay sharraxaad ay bixiyeen madaxda AMISOM, iyadoo lagu heshiiyey inay labada dhinac wada shaqeeyaan.

Ciidamada AMISOM oo Garoonka Muqdisho ku xayiray Guddomiyaha Aqalka Sare [Xildhibaannada oo dalbaday…]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON