Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira, ayaaambaareeyay weerarkii shalay gelinkii dambe Al-Shabaab ku qaaday Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho.
Ambassador Francisco Madeira ayaa ugu joreyn tacsi u diray qoysaska dadkii waxyeelada ka soo gaartay weerarka naxariis darada ah, isagoon dadka dhaawaca ah u rajeeyay iney si dhaqsi ah u bogsadaan. Weerarkan ayuu ku micneeyay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya mid la doonayo in dib loogu dhigo horumarka iyo dib u dhiska dalka.
“Soomaaliya waxay horumar weyn ka sameysay sidii ay u qabsan lahayd dhul baaxad weyn,waxayna argagixisada ka saartay meelo badan oo dalka ka mid ah. Ciidamada AMISOM waxay sii wadi doonaan inay taageeraan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyaga oo sii amba-qaadaya xoreynta deegaanada ku harsan gacanta kooxaha nabad diidka ah,” ayuu yiri Amb: Francisco Madeira.
