Tuesday, July 1, 2025

Diyaarad Milateri & Wafdi ka socda dowladda Qatar oo tegay Dh/mareeb & Qorshahooda oo la ogaaday

Diyaarad milateri oo laga leeyahay dalka Qatar iyo wafdi ka socda Wasaradda Gaashaandhigga dalkaasi ayaa ka degay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoo halkaasi kulan kula yeeshay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wafdiga waxaa garoonka Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Wasiir dowladdaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Maxamed Cali Xaggaa, iyo saraakiil kale, waxayna kadib kulan gaara la yeesheen Ra’iisal Wasaaraha  Xasan Cali Kheyre, iyadoo wararku sheegayaan sidii ay u taageeri lahaayeen ciidamada cusub ee dowladda Federaalka ku soo biiray.

Wararka la helayo ayaa sheeghaya in qorshaha wafdiga Dowladda Qatar uu ahaa taageero ay siinayaan ciidamada Soomaaliya, iyagoo balanqaaday dib u dhiska xerada 21-aad ee ciidamada xoogga dalka iyo qalabeynta ciidamada dhowaan ku biiray kuwa dowladda Federaalka ee fadhigoodu ahaa degaanada Galmudug.

Wafdiga oo ay wehliyaan taliyayaasha ciidamada dalka ayaa wadajir qiimeyn ugu sameeyay xarumaha ciidamada ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb oo dib-u-dhis laga billaabayo.


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON