Friday, July 4, 2025

AMISOM oo war shaki dhaliyay kasoo saartay Weerarkii is-miidaaminta ee Beledweyne

AMISOM ayaa sheegtay in 10 maleeshiyo oo dooneysay inay weerar ku galaan saldhigga ciidamada Jabuuti kadib qarixii is-miidaaminta ahaa ee lagu qaaday saldhiga Galbeedka magaalada Beledweyne.

Qaraxa oo lagu geystay Gaari xamuul oo nooca Waaraadka loo yaqaan ah ayaa qasaare weyn u geysta agagaarkii saldhigga, waxaana AMISOM ay sheegatay in 10 ka mida dagaalyahanadda Alshabaab oo qaraxa ka dib isku dayay inay galaan xerada dhammaantood la toogtay.

qarax-beledweyne2Warka AMISOM waxaa beeniyay Alshabaab oo sheegtay inaysan jirin wax dagaalyahanno ah oo qaraxa ka danbeeyay, waxayna ku adkeysteen in howlgalkoodu uu ku koobnaa Qarax is-miidaamin ah.

Dadka ka ag dhowaa xerada ciidamada Jabuuti ayaa laga soo xigtay inay ka war heynin maleeshiyo weerar ku qaaday weerarka oo ay maqleen qarax aad u weynaa wixii ka danbeeyayna ay ahaayeen rasaas hal dhinac ka dhaceysay oo ay ridayeen ciidamada Jabuuti.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON