Monday, June 23, 2025

AMISOM oo weli ka hadlin Dadkii ay ku dishay Muqdisho [Eng. Yariisow ma u hadli karaa..?-AKHRISO]

AMISOM ayaan weli wax war ah kasoo saarin dadkii ay shalay aroortii ku dileen magaalada Muqdisho, kadib markii ciidamada Brundi oo ku safrayey Wadadda Ex. Kontarol Balcad ay qaraxyo la kulmeen, halkaasoo ciidamadaasi ku dileen afar qof oo shacab ah.

Madaxda AMISOM iyo kuwa Midowga Afrika ayaa 24 saac kadib shilkaasi weli ka gaabsanaya inay ka hadlaan sidii ay wax udhaceen ama ay qirtaan dhacdadaasi oo dad badan ay ka caroodeen, taasoo dhalisay inay bannaanbaxyo ka dhacaan maanta maalintii labaad casimadda Muqdisho.

AMISOM ayaa shalay barteeda twitter-ka ku soo qortay war kooban oo ay ku sheegtay in kolonyo ciidamadeeda ka tirsan qaraxyo lagula beegsaday agagaarka xerada Maslax ee duleedka Suuqa Xoolaha, iyadoo qaraxa hore uu dhaawac kasoo gaaray askari, halka qaraxa labaad aanu wax qasaare ah dhalin, mana jirin war kale oo ka yimid AMISOM.

Ad

Duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta sheegay inuu arrintan kala hadlay taliyaha AMISOM, isagoo yiri: “Taliyaha AMISOM ayaan kala hadlay dhacdadii shalay ciidamo AMISOM ay ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa, una sheegay inaan la aqbali karin shacab in wax loo geysto. ..Waxaana ka dalbaday inuu baaris dhab ah ka sameeyo, Waxaa uuna ii ballanqaaday in AMISOM ay qoysaskii dhibaatadu soo gaartay ay la kulmayaan, tallaabo adagna laga qaadi doono cidii falkaas ku kacday” .

AMISOM dhacdooyinkan oo kale ku adag tahay inay qirtaan, laakiin waxay soo saari jireen qoraallo ku saabsan inay ka xun yihiin oo ay baarayaan, taasoo xitaa dhacdadii ugu danbeysay ee shalay laga waayey.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON