Saturday, June 28, 2025

Ammaanka Muqdisho oo Caawa si weyn loo adkeeyay ciidamo fara badan oo magaalada la dhigay

Ciidamo fara badan ayaa caawa la dhigay magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay.

Ciidamada Booliska, Milateriga iyo kuwa Nabadsugidda ayaa lagu arkayaa wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda, iyadoo horeba ay u joogeen ciidamo ayaa lagu soo kordhiyay kuwo cusub oo guud ahaan magaalada lagu arkayo.

Wararka ayaa sheegaya in loo diyaar garoobayo xuska sanadguurada ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo sanad kasta la xuso 20-ka Disembar oo ku beegan Berri oo Arbaco ah, waxaana la filayaa in dhoolatus weyn ay ciidamada Booliska u sameeyaan dabaaldegga sanadguuradooda.

Maalmaha la xuso asaaska ciidamada sida milateriga iyo Booliska ayaa Muqdisho waxaa si weyn loo sugaa ammaanka, iyadoo la hakiyo isu socodka Gaadiidka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON