Saturday, July 12, 2025

Amniga Guddoomiye Jawaari oo la sheegay inuu halis ku jiro [Yaa ka haray ilaaladii Jawaari..?]

Xildhibaannada taageersan guddoomiyaha Baarlamaanka ee mooshinku ka yaallo Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in xaaladda amniga guddoomiyaha ay halis ku jirto kadib markii ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay ciidamadii milateriga ee ilaalada u ahaa.

Xildhibaannadan oo xalay saqdii dhexe qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay inay nasiib darro ah in ilaaladii milateriga ahaa ee guddoomiye Jawaari lagu soo eedeeyo inay hub la galeen Baarlamaanka oo laga qaato guddoomiyaha, lagana dhigo mas’uul aan ilaalo lahayn.

Taliska Xoogga Dalka ayaa sheegay in la qabtay ciidamo milateri ah oo hub la galay xarunta Baarlamaanka Arbacadii kuwasoo khalkhal geliyay Baarlamaanka, isla markaana baaritaan ku socdo, waxayna wararku sheegayaan in Guddoomiye Jawaari ay hadda ilaalo u yihiin Ciidamada AMISOM.

Baaritaanka ku socda ciidamadii ay guddoomiye Jawaari iyo Mahad Cawad u adeegsadeen xarunta Baarlamaanka ayaa dabagal lagu hayaa, waxaana socda baaritaan iyadoo intooda badan la xiray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON