Friday, June 27, 2025

Amniga xarumaha Dowladda oo la adkeeyay & Barta laga ilaaliyo Garoonka Muqdisho oo la bedelay

Amniga Xarumaha Muhiimka ah ee Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo lagu kordhiyey ciidamo iyo feejignaan sare, waxaana isbedel lagu sameeyay goobaha laga ilaaliyo xarunahaasi,

Madaxtooyada, Garoonka diyaaradaha, saldhigyada ciidamada iyo wasaaradaha ayaa la geliyey digtooni dheeraad ah, arrintan oo ka dambeysay qaraxii Arbacadii 24-ka Bishan July ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho oo qasaare weyn dhaliyay, baaritaankiisuna weli uu socdo.

Barta laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ee isgoyska KM 4 oo dhowaan qarax ka dhacay ayaa isbedel lagu sameeyay iyadoo ciidamo hor leh la dhigay Isgoyska KM4 halka looga leexdo wadadda aada Garoonka Aadan Cadde, taasoo dhalisay Jaam iyo ciriiri xoog leh oo ku yimid isgoyskaasi oo markii horeba mashquul ahaa.

Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin cidda ka danbeysay iyo sida uu u dhacay qaraxii lagu weerarray Xarunta G/banaadir oo uu ku dhaawacmay Guddoomiye C/raxmaan Yariisow, laguna dilay guddoomiyeyaasha saddex degmo iyo mas’uuliyiin kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON