Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump ayaa noqday madaxweynihii saddexaad ee dalka Mareykanka lagu soo oogo Mooshin xil ka qaadis ah, kadib markii ay xalay u codeeyeen Koongareeska Mareykanka.
Dood saacado qaadatay oo ka dhacday Aqalka hoose ee Congres-ka Maraykanka ayey u codeeyeen in xilka laga qaado madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo lagu soo eedeeyay qodobadda kala ah:
inuu ku takri falay awooddii madaxweyne iyo inuu horjoogsaday codsigii kongereeska ee ahaa inuu soo gudbiyo warbixinadii laga codsaday ee baaritaankiisa.
Mooshinka xil ka qaadista Madaxweyne Trump qodobkiisa hore waxaa u codeeyay 230 mudane oo ka tirsan Aqalka hoose ee Koongarees-ka, iyadoo ay diideen 197; halka qodobka labaad ay u codeeyeen
Qodobka labaad ayaa waxaa u codeeyay 229 mudane, halka ay diideen 198 mudane.
Mooshinkan ayaa waxaa u dhiman inay Aqalka sare ee Senet-ka ay ogolaadaan ama ay diidaan, iyadoo la ogyahay inay u badan yihiin Xisbiga Madaxweynaha ee Jamhuuriga ayna ka hor imaan doonaan.