Wednesday, June 25, 2025

Aqalka Sare ee degdeg ugu yeeray Afar Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Kheyre [Faahfaahin Arrinta loo heysto]

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u yeeray inay Golahaasi hor yimaadaan Afar wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Kulan ay yeesheen xildhibaannada Aqalka Sare ayaa waxaa warbixin ka jeediyey Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo sheegay in xaaladda Gobolka Gedo ee xuduudka la leh Kenya ay ka jirto dhibaato weyn oo ku saabsan xadgudub ay Kenya ka wado dhulka xuduudka ah.

Wuxuu warbixin dheer ka siiyay Golaha dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee degmada Beledxaawo iyo kulan dhex maray maamulka Mandheera iyo maamulka Gobolka Gedo, kadin markii muran ka dhashay Derbiga Kenya ka dhiseyso xuduudka uu keenay in la xiro xuduudka.

Wasiirada Aqalka Sare u yeeray si wax looga weydiiyo xaaladda ka taagan Gobolka Gedo iyo xadgudubka dowladda Kenya ayaa kala ah: Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Mursal Sheekh, Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Aden Sabriye iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON