Golaha Aqalka Sare ee Baaralmaanka Soomaaliya ayaa wafdigii ugu horeeyay ee xal raadin ah u diray maamhlka Puntland, kaasoo ka mida wufuud aqalka sare u kala dirayo maamul Goboleedyada.
Wafdiga ayaa ka kooban ku dhowad 10 xubnood oo ka tirsan aqalka sare, waxaana gudoomiye u ah C/raxmaan Faroole oo ku sugan magaalada Garowe, kasoo ku soo dhoweeyay garoonka magaalada Garowe, iyadoo la filayo inay bilaabaan waanwaan Aqalka sare ku doonayo inuu ku dhex galo dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.
Kaalinta Aqalka Sare ee xalinta khilaafadka dowladda iyo maamullda dalka ayaan hore u muuqan, iyadoo laga cabsi qabo inay madaxda maamul goboleedyada ku gacan seyraan dadaalka nabadeed ee Aqalka Sare.
Madaxda maamul Goboledyada dalka ayaa shirkoodii Kismaayo ku shaaciyay inay hakiyeen xiriirkii wada shaqeynta ee ay la lahaayeen dowladda Federalka Somaliya, kadib markii ay ku eedeeyeen dowladda inay faragelin ku hayso arrimaha Maamul Goboledyada.
Aqalka Sare ayaa 12-kii Bishan go’aamiyay in loo diro Dowlad Goboleed kasta guddi soo baara una kuurgala xaaladda siyaasadeed, amni, nololeed, bulsho, iyo arrimaha Federaalka ee ka jira Dowlad Goboleedyada, si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Dowlad Goboledyada isla markaasna xal loogu heli lahaa xaaladda hadda taagan.