Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa maanta yeeshay kulankiisii ugu horeeyay muddo bilo ah, kadib markii uu hareeyay khilaafka u dhaxeeya Guddoomiyaha Cabdi Xaashi iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Fadhigii maanta ee Aqalka Sare ayaa ansixiyay xubin kusoo biirtay Guddiga Madaxda Bannaan ee Doorashooyinka Sacdiya Shuuriye oo buuxineysa booska Guddiga banaannaa oo uu bnanneeyay Taani.
Xubinnimada Sacdiya ayaa waxaa hore u soo ansixyay Golaha wasiirrada iyo Golaha Shacabka Barlamaanka, waxaan maanta ansixiyay Aqalka Sare. Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka ayaa gudi ay ku badan yihiin haweenka.

