Aqalka Sare oo ansixyey Sharciga dhismaha Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa & Famaajo oo…

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia  ayaa kulankiisii 9-aad  ee kalfadhigii 4-aad  maanta ku ansixiyey Hindise sharciyeedka dhisidda Guddiga Madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa.

Shirka Aqalka sare oo shalay baaqday ayaa ajendihiisu ahaa akhrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka dhisidda Guddiga Madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa, waxaana kulanka ku sugnaa Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji.

Kulanka Aqalka Sare waxaa guddoominayey guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana Golaha ka hor akhrisay tallooyin iyo wax ka bedel lagu sameeyay Xeerka Gudoomiyaha Guddiga Garsoorka Zamzam Ibraahim Cali.

Cod uu Golaha Sare u qaaday Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee la- dagaalanka musuqmaasuqa ayaa u codeeyay oo ansixiyey dhammaan senatooradii soo xaadiray kulanka maanta oo tiradoodu gaareysay 31.

Dhismaha Guddigan oo xilli xasaasi ah ku soo beegmay ayaa u baahan saxiixa madaxweynaha si loo guda galo, iyadoo laga cabsi qabo inuu madaxweyne Farmaajo dib u dhigo saxiixa sharcigan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

112,043FansLike
622FollowersFollow
2,592FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

112,043FansLike
622FollowersFollow
20FollowersFollow
2,592FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!