Friday, August 1, 2025

Aqalka Sare oo Saddex maalmood ah u qabtay Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisal Wasaare Kheyre [Daawo]

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddo saddex maalmood ah u qabtay madaxweynah iyo Ra’iisal wasaaraha inay uga soo jawaabaan qoraal ay u direen oo ku saabsanaa khilaafka kala dhaxeeya maamul Goboleedyada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi  Xaashi C/llaahi ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ka sheegay in Guddiga joogtada ee Aqalka sare ay ka shireen arrintan iyadoo ugu baaqay inay jawaab ka sugayaan Madaxweynaha iyo Xukuumadda inay muddo saddex maalmood ah uu dhaxeysa 20-23-ka bishan.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in 5-tii bisha la kulmeen xukuumadda, isla markaana illaa xilligaasi aysan wax jawaab ah ka bixin su’aalihii ay u gudbniyeen, isagoo ku hanajaby in haddii mudadda loo qabtay ay jawaab uga heli waayaan  uu aqalka sare go’aan ka soo saari doono arrintan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa u amaanay madaxda maamul Goboleedyada inay ka aqbaleen muddo dib u dhigista shirar ay yeelan lahayeen muddo laba jeer ah.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON