Thursday, June 26, 2025

Aqalka Sare oo shaaciyey inuu furmayo kalfadhigiisii 5-aad & khilaafkii laba Aqal oo weli taagan

Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xaruntooda ku go’aamiyey xilliga uu furmayo kalfadhiga Shanaad ee Aqalka Sare.

Kulanka oo uu Shir guddoominayey guddoomiyaha Aqalka Sare aya lagu go’aamiyey in kalfadhiga 5aad ee aqalka Sare uu furmo 16-ka Bisgan Maarso oo ku beegan sabtida soo socota sida uu sheegay Seneator Cabdkaafi Macalin Xasan, waxaana Aqalka Sare uu si gaar u furanayo kalfadhiga xilli uu weli taagan yahay khilaafka labada aqal ee Baarlamaanka.

Aqalka Sare ayaa hore uga hor yimid in isku mar la wada furo kalfadhigii afraad ee labada Aqal ee Baarlamaanka, waxayna furteen kalfadhigaasi, kadibna khilaaf wadashaqeyn ah oo labada aqal ka dhashay ayaa keenay in Aqalka sare uu xiriirkii u jaro Golaha Shacabka.

Madaxweyne Farmaajo uu sheegay inuu dhex galayo khilaafka labada Aqal ayaa weli ku guuleysan inuu xal u helo arrintan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON