Tuesday, July 15, 2025

Aqalka Sare oo shaaciyey Liiska Magacyada wafdiyo loo kala dirayo Maamul Goboleedyada [Akhriso]

Go’aan kasoo baxay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu magacaabay liiska wufuud loo kala dirayo xarumaha maamul goboleeyada dalka si ay xal ugu raadiyaan khilaafka ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.

Shanta maamul goboleed ayaa mid kasta loo diray 10 senator iyadoo guddi kasta loo qoondeeyay xildhibaannada kasoo jeeda, waxaana hoggaaminaya xubno si weyn looga yaqaan maamul Goboleedyada.

Wafdiga  loo diray Puntland waxaa loo diray xubno uu hoggaaminayo C/raxmaan Faroole, iyadoo Galmudug loo diray senatooro uu guddoomiye u yahay Cabdi Qeybdiid, halka wafdiga senatoorada aqalka sare ee Jubbaland aadaya uu hoggaaminayo Jen. C/llaahi Fartaag.

Lama oga sida Aqalka Sare xal ugu heli doono khilaafka dowladda iyo maamul Goboleedyada oo maanta soo saaray war-mutiyeed aad u adag oo ay shuruudo ku xireen wadahadal dhex mara dowladda Federaalka.

AKHRISO 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON