Monday, July 14, 2025

Aqalka Sare oo sharci darro ka dhigay Xeerka uu saxiixay Farmajo ee Golaha Garsoorka (QORAAL CULUS)

Aqalka Sare ayaa waxba kama jiraan iyo sharci darro ku tilmaamay xeerka uu saxiixay Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, kuna saabsan magacaabidda 7 xubnood oo ka mida Glolaha Adeegga Garsoorka.

Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa lagu sheegay in xeerka Madaxweyne uu jebinayo qodobadda Dastuuriga ah ee magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka, isla markaana aan loo marin Gole wasiiro oo sharci ah.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay in 22-ka Novembar Golaha shacabka u gudibyey Aqalka Sare Qaraarka magacaabidda 7 xubnood oo ka mida Golaha Adeegga Garsoorka, kaasoo ay soo ansixisay xukuumadii xilgaarsiinta ee sii haye ka ahaa Mahdi Maxamed Guuleed, iyadoo ay sharci darro ahayd qaabka loo maareeyay arirntan.

Waxay kaloo Qoraalka guddoonka Aqalka Sare lagu caddeeyay qaabka ay tahay in loo maro dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo sida uu sharciga ugu tuntay Maxamed C/llaahi Farmaajo.

HOOS KA AKHRISO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON