Kalfadhigii afraad ee aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lasoo xiray kadib qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi.
Qoraalka Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa loo kala diray senatoorada Aqalka sare, iyadoo lagu wargeliyey inuu xirmay Kal-fadhigii afraad 10-ka Bishan Janaayo 2019-ka, dibna u furmi doona 10-ka Misha Maarso ee 2019.
Aqalka sare ayaa go’aankan u cuskaday qodobbada 74-aad iyo 23-aad ee Dastuurka ku meel gaalka ah, kaas oo qabo in Goluhu uu Sanad kasta yeelanayo laba kal-fadhi, mid kastana uu socon doono muddo Afar Bil ah.
Furitaankii kalfadhiga la xiray ayaa khilaaf ku bilowday markii Aqalka Sare ay diideen inay qeyb ka noqdaan furitaankii kalfadhiga ee Golaha Shacabka, taasoo keentay inay iskood furtaan kalfadhiga iyadoo aanu ka qeyb gelin madaxweynaha.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xiriirka labada aqal ee Baarlamaanka uu meel xun marayo markii aqalka sare uu joojiyey xiriirkii kala dhaxeeyay.