Xiriirka madaxweynayaasha labada maamul ee deriska ah Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa xumaaday kadib markii ay soo baxeen liisaska musharixiinta Aqalka sare.
Madxaweynaha Galmudug Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka carooday xubnaha uu Axmed Madoobe u sharxay Aqalka sare ee Baarlamaanka, kana soo jeeda Koonfur Galbeed, isagoo ka reebay xubno uu Shariif Xasan watay.
Arrintan waxay xiisad ka dhalisay xiriirka Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan oo hore isaga hor yimid arrinta labada beelood ee kala dega labada maamul iyo dhismihii Bakoolsare.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi ayaa ah nin aad uga horjeeda siyaasadaha Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana Axmed Madoobe uu ku qasbanaaday inuu raaco guddoomiyihiisa Baarlamaanka.
Goobjooge.com