Friday, June 27, 2025

Aqalka Senate-ka Mareykanka oo ka hor yimid taageerada milateri ee Trump siiyo Sacuudiga.

Aqalka Senate-ka ee Maraykanka ayaa si aan hore loo arag oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyey qaraar maamulka Madaxweyne Trump ku amraya inuu joojiyo taageerada milateri ee uu siiyo Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dagaalka ka wada dalka Yeman.

Golaha oo ay u badan yihiin xisbiga Jamhuuriga oo Madaxweyne Trump ka tirsan yahay ayaa Cod aqlabiyad ku meel mariyay Qaraar lagu soo afjarayo taageerada milateri Maraykanku siiyo xulafada Sacuudigu hoggaaminayo ee dagaalka ka wada dalka Yemen.

Qaraarkan oo labada xisbiga ay isku waafaqeen waxaa taageeray 54 xildhibaan, iyadoo ay ka hor yimaadeen 46 kale, waxayna tallaabadan wejib gabax ku tahay siyaasadda madaxweyne Trump oo si weyn u taageera Sacuudiga.

Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay inuu Codka diidmada Qayaxan ku hor istaagi doono Qaraarkan. waxaana madaxweyne Trump oo dano dhaqaale ku heysta Sacuudiga uu taageeraa dagaalka Yemen ka socda tan iyo sanadkii 2015kii, kasoo ay ku dhinteen kumannaan dadka reer Yemen ah.

Maraykanka ayaa Sacuudiga ka iibiya hubka ay dagaalkaas u adeegsadaan, milatarigooduna wuxuu la garab taagan yahay caawimaad dhanka saadka ah iyo taageerada dhanka sirdoonka si xulafadu ay u qaadaan weerarro loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyuhu la socon.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON