Thursday, June 26, 2025

Ardaygii Kaalinta 22-aad ka galay Imtixaanka Dowladda oo ku geeriyooday Qarixii magaalada Kismaayo

Ardaygii kaalinta 22-aad ka galay Imtixaanka Dowladda ee Dugsiyada sare ayaa ku geeriyooday magaalada Kismaayo, sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya.

Ardaygan oo lagu magacaabo Taabit C/llaahi Xasan Raabi ayaa ku geeriyooday Qarax ismiidaamin ahaa oo maanta kka dhacay Kismaayo, kaasoo ahaa darawal iyo wiil uu adeer u yahay guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin oo iska qaraxa is-miidamiinta ah u geeriyooday, kadib dhaawac soo gaaray.

“Waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelka, masuuliyiinta, bahda waxbarashada iyo bulshada reer Jubbaland geerida naxdinta leh ee ku timid Taabit Cabdillaahi Xasan Roobi oo ahaa ardaygii kaalinta 22aad ka galay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dhawaan la shaaciyay. Waxaan Alle uga baryeynaa isaga iyo dhammaan inta ku geeriyootay musiibadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, inta dhawaaca ahna caafimaad degdeg ah siiyo..” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON