Sunday, July 13, 2025

Askar badan oo lagu laayey Qarixii Is-miidaaminta ee Kuliyadda Jaalle Siyaad

Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxa ka dhacay xarunta Kulliyada Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu dhaliyey qasaare weyn oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada dowladda.

Qaraxa oo ahaa is-miidaamin uu qof soo xirtay jaakadaha qarxa dhex galay Askar ka tirsan Guutada 14 Oktoobar ee ciidamada Milateriga Soomaaliya, kadibna isku qarxiyay, waxaana qasaaraha la sheegay inuu ka badan yahay 20 dhimasho ah.

Dhaawacyo badan ayaa sidoo kale la sheegay in laga qaaday xerada, kadib qaraxa, waxaana mas’uuliyadda Qaraxa is-miidaaminya sheegatay Alshabaab, iyadoo uu fuliyay nin iska soo dhigay askari oo xerada galay.

Ninka qaraxa fuliyay ayey wararku sheegayaan inuu ku lebisnaa dareyska ciidamada, isla markaana uu watay Aqoonsi, iyadoo aanay weli caddeyn sida loogu fududeeyay inuu gudaha u galo xerada.

Taliska ciidamada Milateriga iyo Hay’adaha amniga Soomaalia ayaa weli laga sugayaa faahfaahin Qaraxa iyo qasaaraha uu dhaliyay.

Qaraxan ayaa ka mida weerarro is-daba joog ah oo Alshabaab dhowaanahan ku beegsaneysay milateriga Soomaaliya, iyadoo adeegsaneysa shaqsiyaad is-miidaamiyeyaal ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON