Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay askar ka tirsan ciidamada Booliska loo xiray dil loo geystay askari ka mida ciidamada.
Askariga la dilay ayaa xalay ku dhintay degmada Waaberi, waxaana dilkiisa looga shakiyay askartii jaalkiisa ahayd ee l socotay oo howlgal ay ku wada jireen.
Wararka ayaa sheegaya in askariga dilkiisu dhacay xilli uu roondo kula jiray ciidamada uu k tirsan yahay. Ciidamadii la socday askarigaasi ayaa lagu xirayXarunta CID ee Magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in baaritaan ku socdo.
Dilalka ka dhaca Muqdisho ayaa hore loo sheegay inaysan geysan Alshabaab oo kaliya, balse ay jiraan kooxo kala duwan oo ku howlan.
Goobjooge.com