Sunday, July 6, 2025

Askar lagu dilay Dagaal Ciidamada Somalia, Itoobiya iyo Maleeshiyada Alshabaab ku dhex maray Gedo..

Dagaal Gobolka Gedo ku dhex maray ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo dhinac ah iyo maleeshiyada Alshabaab ayaa sheegay inuu dhaliyay qasaare kala duwan.

Dagaalka oo ay qaadeen Alshabaab ayaa waxaa ku dhintay in ka badan afar ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya, kadib weerar ka dhacay deegaanno hoos taga magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobbolka Gedo. Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM oo dhinac kasoo jeeday maleeshiyaada kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda laga dilay ilaa afar arkari, iyadoo 7 kale looga dhaawacay, waxaana dhaawacooda la gaarsiiyey magaalada Garbahaarey. Saraakiisha Dowladda ee Gobbolka Gedo wali kama aysan hadlin dagaalka, hase yeeshee waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in sideed ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ay dagaalkaasi ku dhinteen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON