Tuesday, July 8, 2025

Askar loo xiray Dilkii taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan & Maxkamad lasoo taagayo.

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in qaar ka mida askar lagu tuhunsan yahay dilka taliyihii ciidamada booliska Gobolka Hiiraan la qabtay, iyadoo uu bilowday baaritaanka kiiska.

Maxkamada  ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiran ayaa la filayaa in la horkeeno 6 askari oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Taliyihii Booliska Gobalka Hiiraan Col. Maxamed Macow Xalane.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Maxamed Cabduqaadir Maxamed ayaa sheegay in baaritaankooda ay kusoo qabteen 6 ruux oo ku eedeysan dilka taliyihii qeybta booliska Gobolka Hiiraan,isla markaan weli baaris kale ay wadaan.

Askartan ayaa isugu jiraan Boolis, Nabadsugid iyo Militari, waxaana ay qeyb ka ahaayeen shaqaaqadii ka dhacday degaanka Kala-beyr ee duleedka magaalada Beledweyne,

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON