Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo 17-kii bishii June 2018 fal dil ah ka geystay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Askarigan oo lagu magacaabo Xaashi Cali Maxamuud ayaa toogasho ku dilay saddex qof oo walaallo ah, iagoo kadibna baxsaday, waxaana gacanta lagu soo dhigay sanad kadib, oo ku beegan 7 June 2019′ iyadoo , waxaana walaallaha uu dilay lagu kala magacaabi jiray: Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo C/llaahi Axmed abuukar.
Sababta keentay dilka naxdinta leh ee ninkan geystay ayaa ayaa lagu sheegay muran dhinaca dhulka ah oo ka dhaxeeyay, wuxuuna dilkani dhacay 7 june 2019..
Eedeysane Xaashi Cali ayaa lagu helay inuu si bareer ah u dilay, isagoo miir qaba saddax walaalo ah oo aan midkoodna hubeysnayn, sidoo kale eedaysanaha uu ka baxay Afisyooni, ugana tagay marxuumiinta uu dilay duleedka degmada Kaaraan, halkaasoo uu ku dilay saddaxda qof ee walaalaha ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ,ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda isgoo shaaciyey in dil toogasho ah lagu xukumay eedeysanaha, isagoo rafcaan ku eg 30 maalmood ka qaadan kara.