Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax laga maqlay maqribnimadii Galabta Guriga Musharax C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Qaraxa ayaa ahaa Qoriga Baasuukaha oo Garneylkiisa uu ka fakaday mid ka mida ilaalada Mushraxa, waxaana uu geystay qasaare laba qof ah iyo burburka Gidaar u dhowaa Askariga.
Falkan oo ku yimid taxadar la’aan iyo mas’uuliyad darro ayaa markii uu dhacay kadib la arkayey ciidamo rasaas hawada u ridaya Guriga Musharaxa hortiisa.
Ma jirto cid ka hadashay shilkan qaraxa keenay ee sida lama filaanka ah u dhacay. Musharixiinta Madaxweyaha ayaa waxaa ilaalo u ah askar badan oo ka mida ciidamda dowladda, balse qaab beeleed ula jooga.
