Askari lagu soo eedeeyay inuu ku caan baxay dhaca dadka Muqdisho ayaa maxkamad lagu soo taagey magaalada Muqdisho, iyadoo xukun xabsi ciidan ah ay ku xukuntay maxkamadda Ciidamada.
Dable ka tirsan Booliiska oo lagu magacaabo Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi ayaa laga soo qabtay agagaarka jaamacadaha degmada Hodan xilli uu dhac u geysanayay dadka ka soo baxay salaadda subax iyo kuwa u sii socday Masjid ku yaallo xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Dadka degmada ayaa ku war geliyay guddoomiye waaxeedka xaafadda iyo taliyaha rugta Boliiska, waxayna si wada jir ah u sameeyeen howlgal lagu baadi doonayay eedeysanaha, waxayna soo qabteen 17-ka September 2018.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa 25- September ayaa baaritaan dheeraad kadib waxay soo dhameystireen Gal-dacwadeedka eedeysane Dable Booliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa u fariisatay dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha, waxaana lagu soo bandhigay dhibanayaashii dhaca loo geystay iyagoo laga dhageystay dhammaan cabashadooda.
Mid kamid ah dhibanayaasha ayaa u sheegay garsoorayaasha Maxkamadda in xilliga dhaca loo geysanayay uu u cararay Masjidka balse nasiib xumo uu eedeysanaha ka soo daba galay Masjidka sidaasna uu kaga qaatay Teleefoonkiisa.
Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigtay Teleefanadii uu dhacay eedeysanaha, ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ku dooday in eedeysanaha lagu xukumo xukun tusaala u noqon karo kuwa weli ku mashquulsan dhaca dadweynaha.
Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in laga qafiifiyo xukunka Maxkamadda maadaama uu qiraal u yahay dambiyada lagu soo oogay.
Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ku gaartay in lagu xukumo Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi sideed (8)-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhamman dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow.