Wednesday, June 25, 2025

Askari Maxkamad loo soo taagay inuu 2000 Sh/So u dilay Oday Ganacsade 70 Sano jir ahaa

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta lasoo taagay Askari Boolis ah oo magaalada Muqdisho ku dilay oday ganacsade danyar ah oo 70 sano jir ahaa

Askarigan ayaa agagaarka Isgoyska Ceelgaab ee degmada Xamarjajab ku dilay 16-kii June oday lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Macalin oo ahaa 70 sano jir iibiya bagaashka fudud, wuxuuna isku dayay inuu baxsado, iyadoo ay soo qabteen ciidamo kale oo ka tirsan dowladda.

Askariga oo lagu magacaabo Nuur Daahir Geedi ayaa qirtay inuu falkaasi geystay, waxaana qareenada u doodaya sheegeen inuu u sugnaa xaalad aan caadi ahayn oo xukunka loo qafiifiyo, lagana qaado diyo.

Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa maxkamadda ka dalbatay in askariga dil toogasho ah lagu xukumo maadaama uu si bareer ah u dilay muwaadin miskiin ah, waajibna ay ku ahayd inuu ilaaliyo amniga shacabka.

Maxkamadda ayaa lasoo xiray, iyadoo go’aanka dib laga soo sheegi doono, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur (Shuute).

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON