Sunday, July 13, 2025

Askari Muqdisho ku dilay Wiil Aroos ahaa & Qoyskiisa oo dalbaday Cadaalad [Dhacdo xanuun badan]

Waxaa shalay gelinkii danbe lagu dilay magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo ku jira toddobaadkii ugu horeeyay ee arooskiisa, markuu uu toogtay askari ka tirsan ciidamada Booliska dowladda xilli ay xirneyd wadadda.

Falkan ayaa ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan, waxaana rasaastu haleeshay C/waaxid Jibriil Afrax oo waday Mooto bajaaj, iyadoo uu toogasho ku dilay askari ka tirsanaa oo wadaddaasi ay u xirneyd, isagoo baxsaday markii uu falkaasi geystay.

Qoyska wiilka la dilay ee Marxuum C/waaxid Jibriil Afrax ayaa sheegay inuu maalintii saddexaad ee arooskiisa ku jiray; shalayna u soo baxay uu bannaanka us oo baxay, iyagoo dowladda la dalbaday inay cadaaladda hor keenaan askariga dilka geystay. Waxayna goobjoogayaal sheegeen in askariga iyo wiilka la dilay uu muran dhex maray.

Xaaska arooska ahayd ee uu wiilkan ka dhintay Saamiya Suleymaan Jaamac ayey saameynta ugu weyni ku yeelatay geerida naxdinta leh, iyadoo si weyn looga hadal hayo baraha bulshada

Saraakiisha ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin dhacdadan, iyadoo dilka askarta dowladda kula kacaan dadka rayidka ah siiba darawallada Mooto-bajaajka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON